Taliska booliska Soomaaliya ayaa maanta sheegay in nin xirnaa jaakad walxaha qarxa lagu soo rakibay uu damcay in uu magaalada Muqdishio ka fuliyo qarax, balse lagu guuleystay in la qabto kaddib markii uu tuuray jaakaddii ay walxaha qaxa ku xirnaayeen.

Hase yeeshee jaakadda oo qaraxday ayaa sababtay in uu dhaawac gaaro mid ka mid ah askarta booliska ah ee degmada Xamarweyne.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya, Sadiiq Aadan Cali, ayaa sheegay in hadda gacanta lagu hayo ninkii jaakadda watay.

“Saaka, abaare 11:30 AM (barqanimo), ayey xubno ka tirsan askarta saldhigga booliska ee degmada Xamarweyne waxay ka war heleen naftii hallige watay jaakad lagu soo xiray walxaha qarxa. Ciidanka ayaa ku dhawaaqay inay ka hor tagaan balse wuxuu isku dayay in uu baxsado oo uu askarta waxyeelleeyo. Jaakaddii uu tuuray hal askari ayuu daawac fudud kasoo gaaray, naftii halligihiina gacanta ayaa lagu dhigay,” ayuu yidhi Afhayeenka Booliska.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda falkaas, booliskuna waxay intaas ku dareen in hadda baaritaan lagu wado ninka la xiray.

 

 

 

 

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here