MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Muqdisho lagu qabtay  Munaasabada Xuska sanad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay aas-aaska ciidanka Cirka ee xoogga dalka.

Taliyaha Ciidanka Cirka  Janeraal Maxamed Sheekh Cali ayaa ka hadlay munaasabada wuxuuna ugu horeyn u hambalyeeyay guud ahaan ciidanka Cirka Soomaaliyeed.

Advertisement

Taliyaha oo hadalo kooban u jeediyay  Cutubyo katirsan Ciidamada Cirka ee Xoogga dalka ayaa xusay waqtigii la dhisay iyo sidii quruxda badneyd ee loo dhigi jirey xuska maalinta Ciidanka.

Janeraal Maxamed Sheekh Cali wuxuu ka cudur daartay ineysan awoodin inay sameeyaan dhoola tusyadii la sameyn jirey  sababo la xiriira duruuufaha hada jira iyo dagaalada dalku ku jiro sida kan Alshabaab lagula jiro.

Taliyaha wuxuu ku dbawaaqay in dhawaan inta sanadkaan lagu jiro ay dowlada ka filayaan in ciidamada Cirka la qalabeeyo.

Sidoo kale wuxuu sheegay inay dhawaan  ciidamadu awood u yeelan doonaan inay la wareegaan amniga Cirka Dalkeena marka la eego awooda dhanka hubka sida diyaaradaha iyo raadeerada.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM 

Previous articleAxmed Madoobe oo Alshabaab ku tilmaamay Mas kuna baaqay in la dilo
Next articleMadaxweyne Xassan oo sharaxaad ka bixiyay shirar uu Itoobiya uga qeybgalayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here