War goor dhaw lagu shaaciyay warbaahinta Dowlada Somalia ayaa lagu shaaciyay digniin culus oo Talisku ka soo saaray isticmaalka calaamadaha iyo astaamaha gaarka u ah Ciidanka Xoogga Dalka Somalia.
Qoraalka Taliska ka soo baxay oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu ku caddeynayo digniin adag oo ku socota shaqsiyaadka ku hawlan isticmaalka calaamadaha iyo astaamaha gaarka u ah Ciidanka XDS, iyadoo lagu amray in si buuxda looga fogaado isticmaalka agabkaas aan sharciyeysneyn.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in qof kasta oo lagu qabto isagoo si aan sharci ahayn u adeegsanaya agabka, astaamaha ama darajooyinka Ciidanka Xoogga Dalka, laga qaadi doono tallaabo adag oo waafaqsan xeerarka ciidamada.
Dareeska Ciidanka XDS.
Darajooyinka Ciidanka XDS.
Sidoo kale, digniin ayaa loo jeediyay ganacsatada leh garaashyada, iyadoo lagu amray inaysan:-
Taliska Ciidanka XDS ayaa ku celiyay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo jebisa amarradan, iyadoo la wargeliyay in dhammaan ganacsatada iyo bulshada looga baahan yahay inay ka fogaadaan iibinta iyo isticmaalka astaamaha ciidanka.
Warsaxaafadeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay baaq lagu amrayo in lala socdo sharciyada ciidamada, lana ixtiraamo sumcadda iyo astaanta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

