Diyaarad rakaab oo ay maamusho Shirkadda Duulista ee Starsky Aviation Ltd ayaa maanta shil ku gashay meel u dhaw Garoonka Diyaaradaha ee Caalamiga ah ee Aadan Cadde wax yar ka dib markii ay kacday. Diyaaradda oo sidday 50 rakaab oo ku wajahnayd Guriceel iyo Gaalkacyo, waxaa soo wajahay cillad makaaniko markii ay ku dhawaad 15 daqiiqo ay hawada ku sii jirtay waxayna isku dayday inay ku soo noqoto Muqdisho, halkaas oo ay ku dhacday badda.
Kooxaha gurmadka degdegga ah, oo ay ka mid yihiin UNSOS_ iyo ciidanka AUSSOM ayaa gaaray goobta. Ku Simaha Madaxa Hawlgalka AUSSOM, Danjire Mouktar Osman Karie, oo ay wehliyeen saraakiil sarsare ayaa booqday goobta waxayna ka caawiyeen kooxaha gurmadka sidii ay meel badqab ah rakaabka ugu daadgurayn lahaayeen.
Ma jirin wax dhimasho ah, iyadoo dadkii ku dhaawacmay isla markiiba la siiyay daryeel caafimaad. Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Rayidka, Maxamed Faarax Nuux, ayaa sidoo kale joogay goobta.




