HomeWarkiiTaliska Kumaandooska Danab oo shaaciyay in Alshabaab banaan bax ku qasbeen shacabka...

Taliska Kumaandooska Danab oo shaaciyay in Alshabaab banaan bax ku qasbeen shacabka Jamaame iyo Jilib

Shacabka ku dhaqan degmooyinka Jamaame, Jilib, iyo deegaannada ku hareeraysan ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 10/01/2026, lagu qasbay inay dhigaan banaanbax ay soo abaabushay Khawaarijta Al-Shabaab.

Banaanbaxan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid looga soo horjeedo xidhiidh ay Yahuud la samaysatay maamulka Waqooyi Galbeed Soomaaliya, iyadoo shacabka lagu khasbay ka qeybgal, islamarkaana la adeegsaday cabsi iyo handadaad.

Haddii aad ka xuntihiin xaaladda maanta taagan, Shabaabey, oggaada in heerka ay maanta ummaddani marayso idinka ayaa gaadhsiiyay. Waxaad curyaamisay dalka dhan walba; dhaqaale ahaan iyo amni ahaanba, adigoo sidoo kale gudaha dalka keenay dagaal caalami ah.

Waxaa la gudboon inaad ka tanaasushaan fikirka Al-Qaacidada, aadna joojisaan qaraxyada, caburinta shacabka, iyo daadinta dhiigga. Marka taas la sameeyo, bulshadu iyadaa markaas idin ixtiraami doonta, halkii aad ku khasbi lahaydeen cabsi iyo colaad.
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -