War ka soo baxay Taliska ciidamada Milateriga Mareykanka ee Afrika kuwaasoo la magac baxay Africom ayaa xaqiijiyay inay dhawaan howlgal milateri ka sameeyeen Soomaaliya xili ay garab ka helayeen Dowlada Faderaalka Soomaaliya.
Africom waxay sheegeen inay duqeyn xaga cirka ah ka fuliyeen deenaada Sabiib iyo caanoole ee hoos taga Degmada Afgooye 19-kii bishaan kaaso ay ku bartilmaameedsadeen dagaalamayaasha Alshabaab ee dhawaan laga saaray halkaasi duqeymaha kadib.
Mareykanka waxay tilmaameen inay weerarkooda la eegteen dhufeysyadii dagaalamayaasha Alshabaab,inkastoo aysan faahfaahin qasaare soo gaaray alshabaab inta ay ka war hayaan.
Howlgaladii ugu dambeeyay Mareykanka waxay si cad u sheegeen inaysan hada kadib faafin doonin khasaaraha ka dhasha howlgaladooda sababo ay ku sheegeen bad-badinta xogaha weeraradooda iyo ujeedka laga leeyahay.
Sidoo kale Dowlada Somalia marna ma soo hadal qaadin weerarkaani mareykanku fuliyay 19-kii bishaan marka la eego khasaaraha ka dhashay iyo meelaha lagu bartilmaameedsaday,sidoo kale howlgalka Mareykanka sedex maalin kadib waxaa Dowlada ugu suuragashay inay akshabaab ka saaraan deegaanada Sabiib iyo caanoole.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
