MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA Somalia ayaa Muqdisho ka qabatay oo xabsiga dhigtay Taliye Shiiqaaoow oo ahaa Sarkaalka NISA ugu sareeya Degmada Doolow ee Gobolka Geddo islamarkaana ahaa taliyihii ciidamada Itoobiyaanku habeeno ka hor ku weerareen saldhigiisa Doolow islamarkaana wateen inkastoo dalabka Dowlada lagu soo daayay.
Magaalada Muqdisho oo uu howlo u joogay ayaa goor dhaw laga qabtay waxaana aad loo hadal hayaa in loo xirey qoraal uu Facebook ku soo qorey kaasoo u dhignaa sidan:-
“dhalinyaro ha u dhimanina midan anagoo naf iyo maal u soo hornay ayaa xurmo ka weynaye, waa kabanayiye haku dhimanin waa iga talo”
Dhanka Dowlada wali wax war kama soo bixin sababt loo xirey sarkaalkaasi Dowlada ugu qaabilsanaa Magaalada Doolow.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



