HomeWarkiiTaliyaha Booliiska Muqdisho oo dagaalka Muqdisho ku tilmaamay mid amni xaqiijin ah

Taliyaha Booliiska Muqdisho oo dagaalka Muqdisho ku tilmaamay mid amni xaqiijin ah

Muqdisho, 4 June 2026 -Wargelin iyo Digniin Amni : Waxaa gabo-gabo ku dhow howlgal baaxad leh oo ay wadaan Hay’adaha Amniga Caasimadda, kaas oo lagu sifeynayo maleeshiyaad ku hubeysan hub culus, kuwaas oo hoobiyeyaal ku garaacay qaar ka mid ah xaafadaha caasimadda.

Maleeshiyaadkan oo ku sugan goobaha ay deggen yihiin xubno qaswadayaal ah oo isku sheegaya siyaasiyiin, kana soo horjeeda amniga iyo xasilloonida, isla markaana ka dambeeyay abaabulka falalkan, ayaa hoobiyeyaal ku weeraray xaafado ay ku nool yihiin dad rayid ah.

Shacabka waxaa lagu wargelinayaa in aysan jirin bannaanbaxyo nabadeed oo, balse ay jirto dhacdo hubeysan oo ay Hay’adaha Amnigu ku howlan yihiin afjariddeeda.

Sidaas awgeed, bulshada waxaa loogu baaqayaa inay ka feejignaadaan falalka abaabulan ee hubeysan ee lidka ku ah amniga iyo xasilloonida, isla markaana ay la shaqeeyaan Hay’adaha Amniga si loo xaqiijiyo amni iyo xasillooni buuxda.

Hay’adaha Amniga ayaa sidoo kale wada howlgallo joogto ah oo lagu soo afjarayo maleeshiyaadkan hubeysan, iyadoo cid kasta oo ku lug leh falalkan si degdeg ah loo horgeyn doono sharciga Insha-Allah.

DHAMMAAD

May be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -