Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaalieed S/guuto Sulub Axmed Firin ,iyo Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Amniga Gudaha Yusuf Cali. ayaa booqasho Tacsi ah ugu tagay Safiirka Safaarada Imaaraadka Carabta ee Muqdisho, waxaana Halkaasi ku soo dhaweeyay Danjire.Ahmad Juma Al Rumaithi,

Taliyaha Ciidanka Boliiska ayaa Safiirka Imaaradka Carabta kaga Tacsiyeeyay Saraakiishii dalkaas ee ku geeriyooday weerarkii ay Khawaarijtuka geysteen Xerada Jaranaal Goordan.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka ayaa Safiirka u shaagay in Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed ka xunyihiin falkaas argagaxisnimo ee sababay Geeridii iyo dhawaca saraakiishii ka socotay Dawlada Imaaradka.

Safiirka imaadka Carabta ayaa ka gudoomay Tacsidii uu ugu yimid Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed waxa uuna uga Mahad Celiyay Booqashada oo ugu yimid Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Booqashada Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliya uu ku tagay safaarada Imaaraadka ku leeyihiin Magaalada Muqdisho ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan weerar kii ka dhacay xerada Jeneraal Gordon lagu dilay saraakiil ka tirsan Imaaraadka Carabta.

Previous articleMadaxweynaha oo amray in Saraakiil Dumar ah oo wax baari kara la geeyo saldhig-yada Booliiska
Next articleMadaxweyne Xasan oo beri khudbad u jeedin doona labada aqal ee Baarlamaanka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here