Taliyaha Booliiska Soomaaliy Jen. Sulub Axmed Firin,Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi iyo Gudoomiye xigeenka Gobolka Banaadir ayaa si wada-jir ah xariga uga jaray Saldhiga Booliiska Degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho.

Saldhigaan oo mudo aan wax dayactir ah lagu sameyn ayaa dhawaan dib u habeyn lagu sameeyay waxaana loo sameeyay munaasaad qurux badan oo xarig jar ahayd.

Advertisement

Taliye Sulub ayaa aad ugu amaanay reer Yaaqshiid isku tashigooda isagoona xusay inay hore u dhisteen xarunta Degmada Yaaqshiid.

“reer Yaaqshiid Degmada horaad u dhisateen,hadana waa saldhigii,markaan waxaan u maleynaa mucaawinaad dhiibi rabtiin oo degmooyinka kale ayaad u gudbeysaan”ayuu yiri Taliyaha Booliiska Soomaaliya.

Saleebaan Maxamuud Fargax oo isna munaasabada ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inay reer Yaaqshiid quruxsadeen Saldhigooda.

“shalay hadaan dhisanay Xarunta Degmada islamarkaana munaasabadaha aan ku dhigan jirnay hadana aan saldhigii quruxsanay sidoo kale waa qabsan karnaa munaasabadaha,aad ayaana ugu faraxsanahay reer Yaaqshiid hadaa nahay”ayuu yiri Gudoomiye Saleebaan.

Sidoo kale waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiye xigeenka dhanka Siyaasada Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo isna ka hadlay ayaa sheegay in lagu qurxiyay saldhiga iskaashi dhexmaray Taliyaha saldhiga Yaaqshiid iyo Gudoomiyaha Degmada.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.No description available.

Previous articleDowladda Kenya oo Isniinta soo bandhigi doonta Kibaandhe cusub oo casri ah.
Next articleHay’adda qaxootiga UNHCR oo shaacisay in 2500 Tahriibayaal ay dhinteen sanadkaan 2023.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here