Taliyaha Qaybta 5-aad ee Howlgalka AUSSOM Â G/Sare Oscar Hatungimana ayaa shalay Magaalada Jowhar kula kulmay Benjamin Jonah oo ah Madaxa Xafiiska UNTMIS ee HirShabeelle.
Kulanka oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Jowhar ayaa diiradda lagu saaray amniga iyo dadaallada wadajirka ah ee sare loogu qaadayo xasilloonida.
Sidoo kale waxay isla eegeen diyaargarowga loogu jiro kulammo soo socdo oo u dhaxeyn doono mas’uuliyiin ka tirsan AUSSOM iyo maamulka HirShabeelle.





