Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa qaabilay Kornayl Antonio Dibari oo ah Taliyaha Howlgalka Tababarka Ciidanka Carabinieri-ga ee Talyaaniga ee MIADIT 23 oo qeyb ka ah Taageerada uu Talyaanigu siiyo Soomaaliya si loo horumariyo awoodda iyo xirfadda Ciidamada Amaanka oo Boliisku qeyb ka yahay.
Antonio Dibari waxa qeyb ka ah wefdiga uu Hogaaminayo Tabarayaal sare oo bixinaya casharo la xiriira Anshaxa Ciidamada , la dagaalanka Dambiyada, sare u qaadida xirfadda Ciidanimo si kor loogu qaado Tayada iyo Tababarada la siiyo Ciidamada Boliis





