AFGOOYE (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada Dhulka ee dalka Uganda General Kayanja Muhanga ayaa kormeeray saldhigyada ciidamadooda ay ku leeyihiin gobolka Shabeeda hoose xili dhawaan dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen Alshabaab uga dhinteen askar badan.
Sarkaalkaan ayaa ujeedka booqashadiida waxaa lagu sheegay inay tahay u kuur galida xaalada ciidamadooda iyo furimaha dagaal ee ku furan sida Sabiid iyo Caanoole oo dhawaan Alshabaab laga saaray.
Sabiid iyo Caanoole xoreynteeda bishaan june gudaheeda waxaa askarta Uganda kaga dhimatay 7 askari halka ciidamada Dowlada sidaas oo kale askar ay kaga dhinteen.
.
Taliyaha ciidamada Lugta Dalka Uganda wuxuu aagaga hore kula kulmay saraakiisha ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya laga wado, wuxuu ku nuux nuuxsaday istaraatiijiyada deegaanada Sabiib iyo Caanoole oo badanaa alshabaab weerarada ka soo qaadi jireen
Taliyaha oo la hadlayay saraakiisha cidaamdooda hogaamisa ayaa ku bogaadiyay dadaalkooda amni iyo dagaalka ay kula jiraan Al shabaab
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
