Sida warbaahinta Dowladu goor dhaw shaacisay Taliyaha Ciidanka Dhulka, Saraakiisha Qeybta 27’aad, iyo Saraakiisha Qeybta 21’aad, ayaa degmada Matabaan kula dardaarmay cutubyo Ciidanka XDS, oo loo diyaariyay hawgallo ka dhan ah Khawaarijta.
Ciidankaan oo ay u soo dhamaatay Tababar heer sare ah oo muddo u socday ayaa soo bandhigay awood iyo karti, iyo u diyaarsanaantooda Hawlgallada lagu sifaynayo Khawaarijta ee ka socda dhamaan Gobalada Dalka.
Dowladda ayaa bilahaan dambe wadda guluf wayn oo ay khawaarijta uga sifaynayso deegaano kala dawan.























































