Taliyaha Ciidamada Lugta General Odowaa oo Ka Warbixiyey weerarkii Awdheegle

 

 

 

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xooggan oo Ciidamada Xoogga dalka iyo Shabaab ku dhexmaray degmada Awdheegle ee gobolka Sh.Hoose, halkaas oo 7-dii bishan Ciidamada dowladda la wareegeen.

Shabaab ayaa weeraro qaraxyo ku bilowday waxa ay ku qaadeen Saldhigyo Ciidamada Xoogga dalka ay ku lahaayeen Awdheegle, waxaana xigay dagaal toos ah, kaasoo socday wax ka badan saacad, iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Ciidamada ayaa sheegay iney gurmadyo xooggan ka heleen Ciidamada xoogga dalka ee ku sugnaa nawaaxiga halka la weeraray iyo kuwo Ajaanib ah, taasoo keentay in Shabaab dib loogu celiyo goobihii ay ka soo duulaan tageen.

Taliyaha Ciidanka Dhulka, General Odawaa Yuusuf Raagge oo ka war bixiyey dagaalka ay ku dileen xubno badan oo Shabaab ah, kuwo kalena ay nolosha ku hayaan isagoo khasaaraha dhankooda soo gaaray ku koobay dhaawacyo oo kaliya oo qaraxyada sababeen.

Balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in weerarka lagu dilay saddex ka mid ah Ciidanka Xoogga Dalka iyo sawir-qaade ka tirsanaa Idaacadda Ciidanka Xoogga Dalka ee SNA, iyadoo meydadkaasna goordhow laga soo dajiyay garoonka diyaaradaha, waxaana haatan lagu hayaa Isbitaalka Ciidamada Xoogga dalka.

Shabaab oo weerarkan ka hadlay waxey sheegteen iney ku dileen 10 kamid ah Ciidamada Xoogga dalka, iyagoo ka gaabsaday iney faah faahiyaan khasaaraha dhankooda soo gaaray, taasoo aan looga baran.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064