DOOLOW (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidamada Lugta Somalia Jen.Sahal C/laahi ayaa la soo sheegayaa in maalintii labaad ku sugan yahay Degmada Doolow dhanka Itoobiya kadib markii shalay diyaaradii siday ay ku fashilantay inay ku degto Doolow Somalia.
Warar aan qaarkood wali la xaqiijin ayaa sheegaya in madaxda sare ee Dowlada ay wadiga Taliyaha u direen Doolow Somalia si dadka halkaasi ku dhaqan ee reer Jubaland looga taliyo geliyo dhismaha Jubaland-ta cusub.
Maamulka Jubaland oo hada Doolow ka arimiya ayaa la sheegaya inay shalay diyaarada siday Taliyaha u diideen inay caga dhigato Doolow Somalia kadibna ay o’aansadeen inay Doolow Itoobiya ka degaan halkaasoo maalintii labaad uu Taliyuhu ku sugan yahay.
Gudoomiye Lafeey oo Jubaland masuul uga ah Dolow ayaa la soo sheegayaa inuu diiday qorshaha Dowlada ka lahayd Doolow lamana oga talaabada Dowladu qaadi doonto madaama qorshahooda la kashifay.
Khilaaka ka dhexeeya Maamulka Jubaland iyo Dowlada ayuu salka ku hayaa diidmada Maamulka Jubaland shalay ay kula dhaqaaqeen diyaaradii siday wafdiga Dowlada ee hada ku sugan Doolow Itoobiya.
Dhanka kale Wasaarada Gaashaandhiga Somalia wali wararkaani kama aysan hadlin iyo jitritaanka wararka sheegaya in Taliyaha Ciidamada lugta laga hor istaagay inuu Dolow Somalia ka dego.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

MAASHAA ALLAAH WAA WAX FIICAN ITOOBIYA HA IDIN MAAMUSHO MEESHIINA NAGA JOOGA