Taliyaha cusub ee Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) General Dagvin R.M. Anderson, oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay socdaalkiisa uu ku ymid Somalia xili dhawaan uun la soo magacaabay.
“Waxaan ahay Taliyaha cusub ee AFRICOM, waxaan booqashadeyda ku bilaabay Soomaaliya oo muhiimad weyn u leh gobolka Geeska Afrika, Soomaaliya waa meel istiraatiiji ah oo ku taalla isgoyska adduunka halkaan waxaa ku jira fursado waa weyn inkastoo caqabado argagixiso ay jiraan,” ayuu yiri General Dagvin R.M. Anderson
Sidoo kale Taliyaha wuxuu ka hadlay sababihii uu Somalia u yimid islamarkaana uu socdaalkiisa uga bilaabay markii la magacaabay.
“waxaan Soomaaliya u imid inaan qiimeeyo xaaladda gobolka, maadaama aan ahay Taliyaha cusub, Afrika kuma cusbi anigu, waxaan horay u soo noqday Taliyaha Cutubka Gaarka ah ee howlgallada Afrika.” ayuu mar kale yiri Taliye General Dagvin R.M. Anderson
