MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha ciidanka xoogga ee dalka Somalia  Ibraahim Sheekh Muxudiin ayaa Hambalyo u diray ciidanka Badda iyo Difaaca xeebaha Soomaaliyeed.

Taliyaha wuxuu sheegay in Ciidanka Badda Somalia la aas aasay sanadkii 1965-kii bale nasiib xumo ay bur-bureen waqtigii ay dhacday Dowladii kacaanka ahayd.

Advertisement

“Hada dib baan ka dhisnay ciidamada waxaana rajeynayaa mar dhaw in la arko ciidamada oo u howlahooda sidii la yaqaanay”ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Milatariga Somalia.

“Waxaan halkaan Hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Ciidamada Badda iyo difaaca xeebaha Somalia,daraakiisha,taliyayaasha, alifleyda,dableyda  iyo xaasaskooda, waxaan leeyahay HambalbHambalyo waxaan rajeynayaa in sanadkaan kiisa kale inaan halkaan ka horeyno”ayuu mar kale yiri Taliyaha.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleDalkaFM
Next articleCiidamada Dowlada oo maanta xirey ganacsigii suuq-bacad

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here