
BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa ayaa Magaalada Baydhabo tababar ugu furay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Birmadka Koongfur Galbeed waxaana ku wehliyay Wasiiro ka tirsan Maamulka Koofurgalbeed.
Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud oo hadalo kooban u jeediyay ciidamada tababarka loo furey ayaa u sheegay in guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ay tahay mid ka timid midnimada iyo geesinimada ciidamada Xoogga iyo shacabka oo garab taagan xili kasta,Sidoo kale Taliyaha wuxuu aad u amaanay oo bogaadiyay Ciidamada marka la eego dadaalkooda.
Dhanka kale Taliyaha ayaa intii uu khudbada u jeedinayay ciidamada waxaa hadaladiisa ka mid ahayd macquul maaha in Deegaanka Daynuunaay oo 20 KM u jira Baydhaba inaan maanta la tagi karin xili weerarkii Dowladu Baydhaba kaga saartay Laftagareen la ogaa inay Daynuunaay ka saareen Alshabaab.
Hadalka Taliyaha waxaa ka muuqda in Alshabaab dib u qabsadeen Deegaanka istaraatiijiga ah ee Daynuunaay oo ah goob aad ugu haboon in Baydhaba amnigeeda laga sugo laakiin nasiib xumo Alshabaab ayaa dib u qabsaday.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM





DAYNIILE.COM



















