Taliyaha ciidamada Milateriga Jen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa wax ka badal ku sameeyay hogaanka Ciidamada Xooga Somalia ee ka howlgala deegaanada Maamulka Koofur-galbeed kadib markii khilaaf weyni soo kala dhex-galay Dowlada iyo Maamulkaasi.
Magacabista iyo kala badelid Taliyaha ayaa sidan u dhacday:-
1- G/le Sare X/6339 Cabdiraxmaan Cilmi Jimcaale Aamiin
Waxaa ayaa loo magacaabay, Taliyaha Guutada 6’aad, Qb.60’aad Ciidanka Dhulka XDS.
2- G/le Dhexe X/6351 Liibaan Yuusuf Afrax Weheliye
waxaa laga qaaday Taliyaha Guutada 6’aad, Qb.60’aad Ciidanka Dhulka XDS.
3- L/X/le X/20006 Isxaaq Maxamed Ibraahim, waxaa laga beddelay, Taliyaha Ururka 95’aad, Guutada 9’aad, Qb.60’aad Ciidanka Dhulka XDS.
4- L/X/le X/3733 Cabdullaahi Maxamed Ibraahim waxaa loo magacaabay, Taliyaha Ururka 95’aad, Guutada 9’aad, Qb.60’aad Ciidanka Dhulka XDS.
DF ayaa Talaabadan u qaadaysa sidii ay guluf ciidan ugu wajihi lahayd ugu yaraan gobalka Shabeelaha Hoose, laga Bilaabo dekeda Qalalan ee Afgooye ilaa Baraawe, iyadoo dhinaca Baay-Buurhakaba loo xilsaaray xubno kale oo wasiiro ah.
