Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Cadow ayaa sharaxad dheeraad ah ka bixiyay howlgal Saaka ay diyaaradaha dagaalku saaka ka fuliyeen koonfuta Gobolka Mudug kaasoo lagu bartilmaameedsaday fariisimo Alshabaab ku sugnaayeen.

Taliyaha ayaa u sheegay Warbaahinta Dowlada Somalia in Howlgalka lagu Dilay Saraakiil iyo Horjogayaal iyo Maleyshiyaad badan.

S/Gaas Ibraahim Sheikh Muxudiin wuxuu carabka ku dhuftay in duqeymaha lagu dilay 55 ka mida kooxda Alshabaab iyo dhaac 40 ka badan kuwaasoo Saraakiil iyo maleeshiyaad isugu jira sida uu warka u dhigay.

Advertisement

Howlgalkaan ayaa  saaka ka dhacay dhulka Howdka ah ee Jeexjeexa oo u dhexeeya Caad Iyo Cadaley,halkaasoo dhacda Koofurta gobolka Mudug.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.CO

Previous articleLaba Al-shabaab ahaa oo Maanta isku soo dhiibeen Dowlada Somalia
Next articleIsimada SSC Qaatumo oo ku dhawaaqay ineysan shaqa ku laheyn xulashada barlamaanka Puntland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here