Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Janeraal Odawa Yuusuf Raage oo maalamahaan booqasho rasmi ah ku joogo Dalka Kenya ayaa booqday Dugsiga Ciidanka Dhulka ee Dalka Kenya.
Booqashadiisa waxay kusoo aaday xilli Kenya ay qorsheynayso inay Soomaaliya usoo dirto ciidamo cusub oo ka taageeraya ciidamada Soomaaliya wejiga 2aad ee howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Kenya ayaa qorsheynaysa inay wax ka bedesha qorshaheeda la dagaalanka Alshabab, waxayna doonaysaa inay Alshabaab kula dagaalamaan gudaha Soomaaliya, iyagoo ka garab dagaalamaya ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.
Kenya ayaa bishii febraayo Muqdisho ku saxiixday heshiis ku saabsan in si wadajir ah loo qorsheeyo oo loo abaabulo olole xooggan oo lagu burburinayo Al-Shabaab.
Kenya waxay hadda dhibbane u tahay weerarada Alshabaab ee ka geystaan gobolka Waqooyi Bari iyo gobolka Xeebta, halkaas oo Alshabab si firfircoon uga howlgallaan, iyagoo geysta weeraro jidgal ah.