Taliyaha Ciidamada Lugta Somalia Jen.Sahal C/laahi ayaa war ka soo saaray howlgal maalmihii ugu dambeysay Ciidamada Dowladu ka wadeen wadada u dhexeysa Magaalada Muqdisho iyo Magaalo xeebeedka Marka ee Xarunta Gobolka Shabeelaha hoose.
Qoraalka Taliyaha oo sidiisa u qoran halkaan ka akhriso:-
Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka NISA iyo ciidamada deegaanka guusha istaraatiijiga ah ee ay ka gaareen Hawlgalka Seefta Qarsoon, kaas oo cadowga looga xoreeyey deegaanno muhiim ah oo isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Marka.
Deegaannada la xoreeyey waxaa ka mid ah:
Galka Saalimow, Ceel Saliini, Galka Jimcoy, Diira Fuul, Jabad Ari, Cismaan Gurey, Dhanaane iyo Gandarshe.
Dhammaan deegaannadan oo khawaarijta u ahaa marinno iyo rugo ay lacago baad ah uga qaadaan shacabka Soomaaliyeed ayaa si buuxda looga sifeeyey. Geesiyaasha XDS iyo dhammaan ciidamada kale ee ka qaybta hawlgalkan waxaan leeyahay guulaysta, horayna ugu socda shaqada badan ee idin sugaysa.





