HomeWarkiiTaliyaha ciidanka badda Soomaaliya oo Turkey kala hadlay helista maraakiibta dagaalka.

Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya oo Turkey kala hadlay helista maraakiibta dagaalka.

ISTANBUL (DAYNIILE.COM)-Taliyaha ciidanka bada Soomaaliya sareeye guuto C/wahaab Cabdullahi Cumar  oo dhawaan safar shaqo ku tagay Dalka Turkey ayaa booqday Xarunta shirkada difaaca  Dalka Turkey ugu qaabilsan soo saarista maraakiibta dagaalka.

Taliyaha ciidanka badda Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa inuu madaxda shirkada kala hadlay sidii ay uga caawin lahaayeen helista maraakiibta dagaalka madaama Dowladu baahi weyn u qabto xiligaan.

Dowlada Somalia inay raadiso helista mararaakiibta dagaalka waxay ku soo aadeysa xili Dalkeena laga qaaday cunuqabateyntii hubka  oo ay dhaqaalaheeda ku xiran tahay inay hub nuuc kasta soo iibsan karto.

Qoraal kooban oo warbaahinta Dowlada lagu shaaciyay ayaa lagu cadeeyay in taliye C/wahaab C/laahi uu Istanbul kula kulmay madaxa shirkada difaaca tignoolajiyada sare ee turkiga Aselsan Ahmet Akyol islamarkaana uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa  xariirka ka dhaxeeya Labada Dal.

Lama yaqaano inta ay ku qaadan karto in Somalia ay shirkadaani u sameyso maraakiin dagaal oo u gaar ah Somalia.

vvv

Taliyaha ciiidanka badda iyo difaaca xeebaha ee XDS sareeye guuto abdiwahab Abdullahi Omar oo ka Qeyb galayay bandhiga IDEF2025 oo ka dhacaayo magaalada istanbul dalka turkiga ayaa kulan la qaatay Madaxa shirkada difaaca tignoolajiyada sare ee turkiga Aselsan Ahmet Akyol.
Taliyaha wuxuu sidoo kale Madaxa shirkada kala hadlay hormarinta iyo tayeeenta ciidanka badda somalia si loo helo ciidan Soomaaliyeed awood u yeesha inay biyahooda ka difaacdaan wax kasta oo xad-gudub ku ah qaranimada iyo amniga Soomaaliya.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 9 people and text that says "A የሃር. co FROM FROMDE DE"May be an image of 2 people and textMay be an image of 2 people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -