Wareegto uu goordhaw si deg deg ah usoo saaray Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Cumar Xasan (Saadaq John).

Sida ku cad wareegtadan kasoo baxday taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa loogu magacaabay Taliyaha cusub ee Booliska Gobolka Banaadir Gaashaanle Dhexe Farxaan Maxamed Aadan (Farxaan Qaroole) oo horey u ahaa taliyaha ciidamada Haramcad.

Xil ka qaadistan deg dega ah ee goordhaw lagu sameeyay taliyaha ciidanka booliiska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa timid kadib markii uu goordhaw shaaciyay in uu joojiyay kulankii Baarlamaanka ku yeelan lahaayeen Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here