HomeWarkiiTaliyaha Ciidanka Dhulka muxuu kala hadlay Maamulka iyo Saraaiisha ciidamada Xoogga ee...

Taliyaha Ciidanka Dhulka muxuu kala hadlay Maamulka iyo Saraaiisha ciidamada Xoogga ee Degmada Balcad+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar “Gen Khaalid” ayaa kormeer shaqo ku tegay Deegaano dhaca Jiinka Wabiga Shabelle ee Gobalka Shabellaha Dhaxe .

Taliyaha oo ey wehlinayeen Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka ayaa ugu horeyn kulamo la qaatay Maamulka Degmada Balcad oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Degmada Qaasim Cali Nuur Qaasim Furdug iyo Saraakiisha Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ee ku sugan deegaanada dhaca jiinka webiga ee gobolka shabeellada dhexe.

Gen Sahal Cabdullahi Cumar ayaa bogaadiyay sida naf hurnimada leh ee geesiyaasha ciidanaka xoogga dalka soomaaliyeed u dhabar jebinayaan cadawga argagexisada ah , waxa uuna faray saraakiisha ineey laba jibaaraan waajibaadkooda ciidan .

Ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa wada howlgallo saf balaaran ah oo lagu ciribtirayo khawaarijta lidiga ku ah nolosha iyo mustaqbalka ummadda soomaaliyeed , iyagoo sameeyay howlgalo guulaystay oo sababay amni iyo xasilooni baahsan oo ay heleen shacabka soomaaliyeed.

May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of helicopterMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and text

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -