HomeWarkiiTaliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaanka Bariire oo jimcihii laga saaray Alshabaab+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo booqday deegaanka Bariire oo jimcihii laga saaray Alshabaab+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay deegaanka istiraatiijiga ah ee Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasi oo Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda Ciidamada Uganda ee UPDF ay ka xoreeyeen maleeshiyaadka Khawaarijta, kuna dhigeen casharro lama ilaawaan ah.

Intii uu socday kormeerka, Jeneraal Sahal ayaa booqday gododkii iyo xarumihii maleeshiyaadka Khawaarijta laga saaray, halkaas oo lagu arkayay meydad badan oo cadawga ah, hub farabadan iyo saanado kale oo ciidan oo ay ka carareen.
Taliyaha Guutada 17-aad ee Kumaandooska Xoogga Dalka, Gaashaanle Cali Cageey, ayaa taliyaha ugu warbixiyay xaaladda amniga iyo sida ay ciidanku u xaqiijiyeen xasilloonida deegaanka.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa bogaadiyay geesinimada iyo howlkarnimada Ciidanka Xoogga Dalka iyo saaxiibadooda UPDF ee qeybta ka ahaa howlgalka, isaga oo ku dhiirrigeliyay inay sii laba-laabaan dadaallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed.
May be an image of 8 peopleMay be an image of 4 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 7 people and textMay be an image of 2 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 13 peopleMay be an image of 8 peopleMay be an image of 9 people and textMay be an image of 11 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 5 people and textMay be an image of 8 peopleMay be an image of 9 peopleMay be an image of 7 people and text

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -