Si loo dardar galiyo howlgalada lagu Ciribtirayo Khawaarijta ayaa Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Sareeye Guuto Sahal Cabdullahi Cumar ‘Ganeraal Khaalid ‘ waxa uu Gaaray Degmada Ceeldheer ee Bariga Gobalka Galgaduud Taliyaha ayaa halkaa u gaaray howlo la xariira Sara u qaadida howlgalada lagu Ciribtirayo Khawaarijta.
Taliyaha ayaa marka uu Ceeldheer gaaray waxa uu kormeer u tagay Difaacyada hore ee Ciidanka isaga oo kulama gaar ah la qaatay Saraakiisha Ciidamada Xoogga ee halkaa ku sugan
Taliyaha ayaa Saraakiisha iyo Askartaba ugu hambalyeeyay guulaha ey gaareen Geesiyada Ciidamada Xoogga Dalka waxa uuna kula dardaarmay in Saro loo qaado howlgalada.
Ciidamada Xoogga Dalka ayaa guulo waa weyn ka gaaray howlgaladii ugu dambeeyay ee ay ka sameeyeen qeybo ka mida Gobalada Dalka.









