Wararka naga soo garaaya gobolka mudug ayaa waxey shegayaan in halkaasi ay dagaalo ka dhaceen shalay iyo maanta ,kaasoo u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo kuwa degaanka oo dhinac ah iyo Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka wuxuu sharaxaad  ka bixiysy dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay degaanka caad iyo hareerihiisa.

Advertisement

“dagaalada waxaa iska kaashaday ciidamada dowlada, darawiishta Galmudug iyo ciidamada degaanka, jab weyn ayaana lagu garsiiyay Alshabaab”ayuu yiri Taliyaha

“Dagaalo kale ayaa ka dhacay baraag ismaaciil iyo caad meel u jirto 10 km, sidoo kale Alshabaab jab xoog leh ayaa lagu garsiiyay, saldhigyana waa looga burburiyay, hub iyo gadiidna waa looga furtay” ayuu mar kale yiri Taliye Gen.Dayax

Taliyaha wuxuu Intaas ku daray in ay shacabka deegaankaas culeyska Alshabaab ka dulqaadi donaan maalmaha soo socdo.

Xafiiska Wararka
Dayniile.com

Previous articleDAAWO: Faysal Cali Waraabe ” Laas-caanood Maamul Goboleed ma noqon karto”
Next articleSiyaasi reer Somaliland ah oo taageeray Siyaasada Xasan Sheekh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here