Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Somaliyeed Sareeye Guuto Sahal Cabdulahi Cumar “Gen khaalid” oo uu wehliyo Taliyaha Taliska Tababarka iyo Doktoriinka Gen. Axmed Ciise Axmed iyo wafdi Saraakiil ah uu hogaaminayo ayaa lagu so dhaweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Dowlad gobaleedka Galmudug
Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ku so dhaweeyay taliyaha qaybta 21aad G/Sare Maxamed Cabdi Daahir Dhagawayne intaa Ka dib taliyaha ayaa salaan sharaf Ka qaatar cutub Ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Somaliyeed
Soo dhaweynta kadib, Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa kulamo gaar-gaar ah la qaatay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb
Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xaaladda iyo howlaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaanada Galmudug.












