Taliyaha Ciidanka Difaaca Kenya, Jeneraal Charles Kahariri ayaa booqasho ku tagay Somalia gaar ahaana ciidamadooda Atmis ka tirsan ee ku sugan Magaalada Dhoobleey ee Gobolka Jubada hoose.
Taliyaha ayaa booqashadiisu daaran tahay si uu u qiimeeyo daryeelka iyo diyaargarowga ciidanka Kenya madaama sanadka cusub ee 2025 howlgalka Atmis uu isku badeli doono Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSSOM.
Howlgalkaan cusub waxaa hogaamin doona Dowlada Faderaalka Soomaaliya waxaaana lagu wadaa in isbadal lagu sameeyo cidamada hada ka howlgala Somalia sida kuwa Dalka Itoobiya oo gabi ahaanba laga reebay inay ka mid noqdaan howlgalkaasi cusub madaama sanadkaan bilowgiisa ay ku xad-gudbeen madax banaanida dhuleed ee dalkeena Somalia markii ay heshiis sharci daro ah la galeen maamulka Somaliland kaasoo waliba ah dhul boob.
Jeneraal Kahariri ayaa ammaanay xirfadda iyo nafhurnimada ciidankiisa Kenya kaasoo ay u hurayaan sida uu shegay xasilinta Soomaaliya, wuxuuna dib u xaqiijiyay taageerada Kenya ee Hawlgalka cusub ee Midowga Afrika uu hoggaaminayo ee AUSSONM.
Masuuliyiin sarsare oo ka tirsan #KDF, oo ay ku jiraan Sarreeye Guuto Faustino Lobaly & Gaashaanle Sare Meshack Kishoyian ayaa Taliyaha Ciidanka ku wehliyay booqashada sida lagu cadeeyay war ay soo dhigtay ATMIS.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
Advertisement