Taliyaha Ciidanka Haramcadka oo weerar lagu qaaday Hooygiisa

0

Iska horimaad hubeysan ayaa ku dhexmaray Magaalada Muqdisho labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa dowlada Somalia, kaasoo wararku sheegayaan inuu khasaare nafeed sababay.

Sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan iska horimaadkan ayaa bilowday markii ciidamo ka tirsan dowlada ay weerareen hoy uu degan yahay taliyaha ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad oo ku yaalla degmada Waaberi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidanka weerarka geystay ay ka tirsan yihiin kuwa Asluubta, waxayna iska caabin kala kulmeen ciidan ilaalo u ahaa taliyaha Haramcad.

Lama  oga illaa hadda sababta ka dambeysa weerarkan, balse warar la helayo ayaa sheegaya in ciidamadii weerarka fuliyey oo lix askari gaarayey dhamaantood la qabtay, iyadoo midkoodna uu dhaawacan yahay, waxayna haatan ku xiran yihiin xarunta dembi baarista Booliaka ee CID.

Saraakiisha ciidamada amaanka ayaanan weli ka hadlin dhacdadan, mana jiraan faahfaahin intaas ka badan oo laga helay.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here