Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa Magaalada Dhuusamareeb xarunta DG Galmudug kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Soomaaliya ee ku sugan Magaaladaas waxaana uu kala hadlay adkeynta ammaanka Galmudug.

Odowaa warbixinno ayuu ka dhageystay Saraakiisha Ciidanka qaybta 21-aad, kuwa laga qaaday Muqdisho & hoggaannada hoose ee Ciidamada Xoogga Dalka, dhankiisa waxa uu u gudbiyay howlaha loo baahan yahay in ay ku dhaqaaqaan.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage oo todobaadkii hore tagay Magaalada Kismaayo ayaa bilaabay kormeyrka goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Militariga Soomaaliya.

Ilo ku dhaw Safarka Taliye Odowaa ayaa Warbaahinta u sheegay in safarkiisa Dhuusamareeb kaddib in uu tagayo Magaalada Jowhar xarunta DG Hir-Shabeelle si uu u qiimeeyo xaaladda Ciidamada Xoogga Dalka & goobaha ay joogaan.

Ciidanka Xoogga Dalka & Militariga AMISOM waxa ay mas’uuliyad ka saaran tahay xaqiijinta nabadgalyada Magaalooyinka lagu qabanayo Doorashada Golaha Shacabka BFS, Booliiska Federalka, Dowlad-Goboleedyada AMISOM ay xaqiijinayaan ammaanka gudaha Magaalooyinkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here