Wafdi uu Hoggaaminayo Taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan Taliyaha ciidanka dhulka iyo Wasiir-Dowlaha Gaashaandhigga ayaa maanta kormeeray Magaalada Al-kowsar ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab

Wefdiga taliyaha ayaa waxaa Al-Kowsar ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha gobolka Shabeellada dhexe iyo Qeybaha Bulshada magaaladaas.

General Odawaa ayaa Bulshada Reer Kowsar uga mahad celiyay soo dhaweynta diiran iyo sida Ciidamada ugu garab istaageen in Al-Shabaab laga saaro degmada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here