Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka  ayaa  kormeer Booqasho ah ku tagay   Xerooyinka  General Daaud iyo Xerada tababarka Gen dhaga Badan ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Xerooyinka Ciidanka Xoogga Dalka Halkaasi oo ay ka Socdeen Howlo shaqo oo Muhiim ah.

Advertisement

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sareeyo Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow ayaa Xerada General Dhaga Badan kula Hadlay Ciidamo cusub oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa isagoona Ciidanka ku boorriyay inay ka feejignaadaan.

General Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow  ayaa Ciidanka  Xoogga Dalka hoosta uga xariiqay sida  waajibka ay ugu tahay difaaca shacabka iyo dowladnimada, waxaana dhinaca kale uu Faray.

Ciidanka in ay u diyaar garoobaan dhawaan dagaalka Xureynta ah ee Dalka looga saarayo Al-Shabaab.

 

Previous articleMadaxweyne Xasan Sheekh oo badalay qorshihii dagaalka Al shabaab
Next articleWiilyar oo ku geeriyooday Barkad uu ku dhacay Magaalada Hargeysa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here