HomeWarkiiTaliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta oo la wareegay Xilka +SAWIRRO

Taliyaha cusub ee Ciidamada Asluubta oo la wareegay Xilka +SAWIRRO

May be an image of one or more people, dais, newsroom and textTaliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kaddib markii dhawaan loo magacaabay hoggaanka ciidankaasi.

Munaasabadda xil wareejinta ayaa ka dhacday xarunta Taliska Ciidanka Asluubta, gaar ahaan dhismaha ku yaalla dhinaca Xabsiga Dhexe, waxaana xilka ku wareejiyay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Cilmi Waasuge Colow.

Xafladda ayaa waxaa ka qeyb galay xubno kala duwan oo isugu jira saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida, xildhibaanno ka tirsan labada gole ee Baarlamaanka, xubno ka socday Golaha Wasiirrada oo uu ku jiray Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda, iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay munaasabadda.

Kadib marka uu soo dhammaaday wareejinta xilalka, waxaa ugu horreyn halkaas ka hadlay xildhibaanno iyo saraakiil ay ka mid ahaayeen Xildhibaan Black iyo General Dhagacelin, kuwaas oo si diirran u soo dhaweeyay taliyaha cusub, isla markaana uga mahadceliyay taliyihii hore dadaalka iyo shaqadii uu qaranka u soo qabtay muddadii uu xilka hayay.

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Cilmi Waasuge Colow, oo ka mid ahaa masuuliyiintii madasha ka hadashay, ayaa sheegay inuu si rasmi ah maanta xilka ugu wareejiyay Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, isagoo u rajeeyay inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday.

Dhankiisa, Taliyaha cusub ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, Sarreeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa khudbad dhinacyo badan taabaneysay ka jeediyay munaasabadda, isagoo carrabka ku adkeeyay in Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ay u baahan yihiin dib-u-habeyn ballaaran si loo xoojiyo hannaanka cadaaladda iyo maamulka xabsiyada dalka.

Ugu dambeyn, Taliyaha cusub ayaa ballan qaaday inuu xoogga saari doono horumarinta ciidanka, kor u qaadidda tayada shaqo, iyo ilaalinta xuquuqda maxaabiista, si waafaqsan sharciga iyo dastuurka dalka.May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

May be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎CORPS ISKA GUUD El لصومال CIDANKA AS UBTA SO 파밥습 / RU ๑ NTA DI TAH GE COLOOV IDANKA DANKAASLI A AS m TA‎"‎‎May be an image of ‎dais and ‎text that says "‎CUSTODIAI RPS مال EE CIIL ASLUUB‎"‎‎May be an image of dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people, dais, newsroom and textMay be an image of one or more people, flute and clarinetMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎LI CUSTOD CORPS GUUD EE C سال KA ASLUUB 美 HIII AB A TAL‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and daisMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎SOMALI Bomali ustedra وات سال TALISKAG $្ TALISKA GU STODIAL PS EE CIIDANKA ASLUUB ASA GEN. N.C TALIYE KU EJINTA NKA NKAAU A OMAA‎"‎‎

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -