Wasiirka Wasaaradda Gaashandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa saaka xilalka u kala wareejiyey Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyihii hore Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.

Wasiirka ayaa sidoo kale xilalka u kala wareejiyay Taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Taliyaha cusub Jeneraal Axmed Aadan Cali.

Advertisement

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya  ayaa dhowaan magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga iyo Taliyaha Ciidanka Dhulka,iyadoo dhinaca kale uu dardar xoog leh ku socdo qorshaha dib u xoraynta dalka Wejigiisa labaad.

Previous articleDr. Cabdiraxmaan Cabdullahi Baadiyow “Soomaaliya waa in laga hirgeliyaa nidaamka ku haboon ee doorasho 1Q1C si looga gudbo 4.5
Next articleWararkii Ugu dambeeyay dagaal ka socda duleedka Bari ee Magaalada Laascaanood

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here