MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa goor dhaw oo barqadii maanta ah xilka si rasmi ah u wareejiyay Taliyihii hore hore ee Milateriga Odowaa uusuf Raage,wuxuuna ku wareejinayo Taliyaha cusub Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ee Magaalada Muqdisho.
Munaasabada waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaaraha Somalia Xamza Cabdi Barre, Wasiirka Gaashaandhiga Axmed Macalin Fiqi,Wasiirka Amniga C/laahi Sh.Ismaaciil Fartaag,Taliyaha Booliiska Smaliya Asad Cusmaan,Taliyayaasha Badda iyo Lugta iyo xubno kale .
Taliyahii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid) oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in xilka la isku beddelo ay tahay wax fiican .
“waxaana u mahadcelinayaa taliyihii hadda la beddelay oo shaqo wanaagsan ka qabtay Ciidanka Xoogga Dalka” ayuu yiri Maxamed Axmed Jimcaale (Cirfiid)
Sidoo kale Jenaraal Indha-Qarsho oo isna hadalo kooban ka jeediyay munaasabada xil wareejinta ayaa xusay inuu aad ugu faraxsanahay in maanta ay xilka isku beddelaan dhallinyaro uu wax soo baray, wuxuu intaasi ku daray inay u heelan yihiin in ay qarankooda u shaqeeyaan.
Sidoo kale Taliyihii hore ee Ciidanka Xoogga Dalka, Odawaa Yuusuf Raage, ayaa ka sheekeeyay wixii u qabsoomay mudadii uu xilka soo hayay.
Dhanka kale Taliyaha cusub Jen.Ibaraahim Maxamed Maxamuud ayaa isna munaasabada ka sheegay inuu ku faraxsanahay inuu xilka kala wareego Taliye Odawaa oo sida uu xusay ay soo wada shaqeyeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM




























