HomeWarkiiTaliyaha guud ee Ciidamada Uganda oo ku dhawaaqay inay Dagaaka Bariga dhexe...

Taliyaha guud ee Ciidamada Uganda oo ku dhawaaqay inay Dagaaka Bariga dhexe la safanayaan Israa’iil

May be an image of one or more peopleKAMPALA (DAYNIILE.COM)- Taliyaha guud ee Ciidamada Milateriga Dalka Uganda  ahna wiilka Madaxweynaha Uganda ayaa ku dhawaaqay inay ciidamadooda diyaar u yihiin inay ku biiraan dagaalka bariga dhexe islamarkaana ay garankooda noqon doonaan ciidamada Yuhuuda iyo kuwa Mareykanka ee isku garabka ah.

Taliyaha wuxuu laakiin shuruud kaga dhigay hadii dalab kaga yimaado Yuhuuda inay Uganda Ciidamadoodu diyaar u yihiin caawinta iyo garab istaaga Ciidamada Israa’iil ee dagaalka kula jira kuwa Iiran.

“Hadalada ku saabsan burburinta ama jabinta Israa’iil waxay si toos ah noogu qasbi doontaa inaan dagaalka galno anagoo garab taagan Israa’iil” ayuu yiri Taliyaha guud ee ciidamada Uganda

Taariikh dhacday 1976-kii ayaa lagu xasuustaa in Ciidamo Israa’iiliyiin ah badbaadiyeen dad lagu heystay garoonka diyaaradaha Uganda waxaana hogaaminayay ciidamada Yuhuuda nin la dhashay netanyahu kasoo isla howlgalkaasi ku geeriyooday.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

1 COMMENT

  1. JAREER AQLI MALE HADOW AQLI LAHAAN LAHAAY DOWLADO WAA WEEN AYAA WAX QAADI

    LA YIHIIN EE HALDOWLAD IMISA DOWLADOOD AYAA ISKUGU TAGEEYSO ANAGANE WAXAAN

    LASAFAN DOONNAA; DOWLADDA ISLAAMIGA EE II RAAN : AYAA MUSLIM RUN AH EE MAYA_

    QAANIIN GAALO CAABUD; SIDA QALIIJKA OO KALE;-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -