CEEL-DHEER (DAYNIIILE.COM)-Waxaa xaalad deganaan ah ku jirta Magaalada Ceel-dheer ee Gobolka Galgaduud oo maalin ka hor laga saaray kooxda Alshabaab.
Gaashaanle Maxamed Dhegaweyne oo ah Taliyaha Guutada 24-aad Khalid Binu-Waliid ee ciidanka Milatariga ayaa la sheekeystay qeybaha bulshada ee ku dhaqan Ceel-dheer isagoo kala hadlay xaalada Magaalada iyo waxay dareemayaan markii Alshabaab ay ka saareen Magaaladaasi.

Taliyaha oo ka hadlay talaabooyinka xiga ay qaadayaan ayaa xusay inaysan ka hari doonin oo ay sii baacsan doonaan dagaalamayaashii Alshabaab ee ay kala wareegeen Ceeldheer.
Sarkaalkaani wuxuu shacabka kacodsaday  inay la shaqeeyaan Ciidamada Dowlada si loo xaqiijiyo  sugidda amnigaMagaalada oo mudo ay haysteen Alshabaab inkastoo mar laga saaray bilowgii xili Madaxweyne Xasan uu bilaabay Howlgaladaan ka dhanka alshabaab balse ay maalmo kadib dib u qabsadeen.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
May be an image of 4 peopleMay be an image of 6 peopleMay be an image of 7 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 2 peopleMay be an image of 5 people

Previous articleBoqolaal qof ayaa lagu dilay Gaza 48 saacadood gudahood
Next articleTaliyaha NISA oo Caawa Xeebta Liido kula caweeyay dhalinyarada+SAWIRRO

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here