HomeWarkiiTaliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom muxuu kala hadlay Maamulka Puntland

Taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom muxuu kala hadlay Maamulka Puntland

May be an image of textBoosaaso : 27 November 2025: Ku-simaha Madaxweynaha Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Dowladda Puntland, H.E Ilyas Osman Lugatoor oo Safar shaqo ku jooga magaalada Boosaaso, ayaa maanta qaabilay Wafdi ka socda Dowladda Maraykanka oo uu hoggaaminayo taliyaha Hawlgalka Maraykanka ee Africom, Gen. Dagvin R.M. Anderson, ayna qeyb ka yihiin Ku-xigeenka Safiirka Dowladda Maraykanka ee Soomaaliya Justin Davis , diblumaasiyiin iyo Saraakiil kale.

Kulanka ayaa looga hadlay Iskaashiga la dagaalanka Argagixisada ee Gobolka, gaar ahaan dhameystirka Hawlgalka Argagixisada Daacish looga sifeynayo Calmiskaad iyo wadashaqeynta amniga badaha (Maritime Security).

Dowladda Maraykanka ayaa ku boggaadisay Dowladda Puntland ka go’naanshaha iyo adkeysiga Ciidanka Puntland ee ciribtirka argagixisada Daacish. Dowladda Puntland ayaa dhankeeda uga mahadcelisay Dowladda Maraykanka, gaar ahaan hawlgalka Africom taageerada joogtada ah iyo doorkooda hawlgalka .

Waxaa kulanka ka qeybgalay Taliyaha Guud ee Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland Gen. Aaden Cabdi Xaashi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Cabdinuur, Agaasimaha Ahna Taliyaha Ciidanka PMPF Gen. Cabdirabi Cabdisamed, La-taliyeyaasha Madaxwehnaha ee arrimaha Siyaasadda iyo Amniga, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad iyo Mudane Maxamed Warsame Seefta Banaanka iyo Saraakiil Madaxtooyo.

-DHAMMAAD-

-XAFIISKA WARFAAFINTA MADAXTOOYADA DOWLADDA PUNTLAND-May be an image of the Oval OfficeMay be an image of dais and newsroomNo photo description available.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and daisMay be an image of one or more people and newsroomMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and beardMay be an image of one or more people, beard, glasses and suitNo photo description available.May be an image of one or more people and daisNo photo description available.No photo description available.May be an image of textNo photo description available.No photo description available.May be an image of newsroomNo photo description available.May be an image of one or more people, suit and newsroomMay be an image of the Oval OfficeNo photo description available.No photo description available.May be an image of one or more people, dais and text that says "è¾² PUNTLAND STATE PUNTLANDSTATEOF.SOMALIA OF SOMALIA VIL"May be an image of dais and textMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and daisMay be an image of suit, car and roadMay be an image of one or more people

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -