HomeWarkiiTaliyaha Macawisleyda Deegaanka Nuur Dugle oo qirey in Alshabaab qabsadeen qeybo ka...

Taliyaha Macawisleyda Deegaanka Nuur Dugle oo qirey in Alshabaab qabsadeen qeybo ka mid ah Deegaanka.

Taliyaha Macawisleyda Deegaanka Nuur Dugle  ee Gobolka Shabeelaha dhexe  Abshir Quraanle ayaa  qirey in Alshabaab qabsadeen qeybo ka mid ah Deegaanka maalinimadii shalay.

Dagaal culus oo shalay dhacay ayay kula wareegeen Alshsbaab Ceelka Cali Salaad ee Deegaanka Nuur Dugle oo ah halka ugu muhiimsan madaama uu yahay ceelka kaliya ee dadka deegaanku cabaan islamarkaana xoolaha ka waraabiyaan.

Taliyaha Macawisleyda  Abshir Quraanle wuxuu sheegay in ciidamo gurmad ah oo dhanka Dowlada ka socda inay soo gaareen deegaanka ayna hada isu muuqdaan iyaga iyo Alshabaab balse wali aysan talaabo qaadin.

“Alshabaabkii shalay qabsaday ayaa wali heysta ceelka Cali Salaad ee Deegaanka Nuur Dugle,xalayna dhulka iyo cirka waa laga weeraray walina saaka iyagaa heysta”ayuu yiri Taliyaha Macawisleyda Deegaanka Nuur Dugle.

Taliyaha wuxuu ka gaabsaday inuu wax ka sheego khasaaraha nafeed ee duqeymaha ka soo gaaray kooxda Alshabaab madaama sida isaguba cadeeyay aysan ogaan karin.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -