Weli xiisad siyaasadeed ayaa ka jirta deegaano katirsan Gobolka oo ay labo isbuuc kusugan yihiin Senetor Fartaag iyo Wasiir Hore C/rashiid Janan.

Taliyaha Nabadsugida Gedo Jamaal Xasan Tareey ayaa sheegay in wax heshiis ah aysan wada gaarin garabka Cabdirashiid Janan ee degmada Dooloow kusugan.

Odayaal ergo ah ayaa labo jeer waxay kulan la qaateen Taliye Jamaal kuwaas oo ay kawada hadleen inaysan xabad ka dhicin magaalada dooloow oo labada garab ay ka shaqeeyaan nabada iyo isku soo dhawaanshaha bulshada.

Taliye Jamaal Xasan Tareey ayaa sheegay haddii garabka kale ay doonayaan inay la dagaalamaan Ururka Al Shabaab ay tegaan magaalada Baardheere sida ay horey ushegeen madaamo halkaasi laga bilaabi karo duulaanka kooxda argagaxisada looga xoreynayo deegaanada ay maamulaan.

Xaaladda degmada Dolow ayaa deggan kadib maalmo buuq siyaasadeed oo ay ku jirtay,Senator Cabdulaahi Farataag ayaa dhanka kale lagu wadaa in maalmaha soo socda uu safar ku maro magaalooyinka Baardheere iyo Garbahaareey.

Garabka C/rashiid Janan iyo Fartaag ayaa dhankooda warar ka soo baxay saacadihii udambeysay sheegayay inay heshiis waaro la gaareen Taliyaha NISA Jamaal, balse Taliyaha ayaa beeniyay heshiiskaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here