HomeWarkiiTaliyaha Saldhiga Booliiska Dekada Muqdisho isku casilay markii lagu qasbay Daroogo uu...

Taliyaha Saldhiga Booliiska Dekada Muqdisho isku casilay markii lagu qasbay Daroogo uu qabtay inuu fasaxo

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyihii Dekedda Magaalada Muqdisho Gaashaanle sare Axmed-khadar Maxamed Xasan ayaa Caawa iska casilay xilkiisa arimo ku saabsan amar qaldan oo la siiyay darteed.

Taliyaha ayaa la sheegay inuu2 bil ka hor  qabtay 3 shixnad oo Maandooriye ah kadibna uu Taliyaha Booliiska Somalia Asad Diyaano   amray ku bixiyay in loo fasaxo ganacsatada iska leh balse uu ka diiday.

Taliyaha is casilay isagoo dalka dibadiisa ku maqan ayay isku maandhaafeen arintaan isaga Taliyaha u sareeya Booliiska Somalia taasina waxay keentay is casilaada

Sarkaalkaan is casilay wuxuu muujiyay geesinimo iyo dareen wadaniyad, daacadnimo iyo u diir-nixid bulshada Soomaaliyeed.

Taliyaha is casilay wuxuu mudan yahay in la dalacsiiyo inuu shaqada ka tagana laga diido waa hadii ay sax tahay inuu sidaas darteed isku casilay ,sidoo kale Taliye Asad Diyaano wuxuu mudan yahay in lala xusabtamo isagana hadii ay sax tahay inuu amray in daroogada la fasaxo si kastaba haku xanbaartee.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -