HomeWarkiiTaliyaha Sirdoonka Suudaan oo Muqdisho soo gaaray iyo ujeedka socdaalkiisa

Taliyaha Sirdoonka Suudaan oo Muqdisho soo gaaray iyo ujeedka socdaalkiisa

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Taliyaha  Sirdoonka Dalka Suudaan, Jeneral Axmed Ibraahim Cali Mufaddal ayaa maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho wuxuun kulamo la kala qaatay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo dhigiisa Somalia Mahad Maxamed Salaad.
Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedka socdaalkiisa iyo waxa uu madaxda Dowlada kala hadlay kuwaasoo qaarkood sheegayaan inuu u yimid islamarkaana uu Madaxweyne Xassan kala hadlay arimo la xiriira weerarada diyaaradaha Imaaraadka ku qaadaan Dalka Sudan xili azy   adeegsadaan oo ka duulaan Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Boosaaso.
Ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya waxa labada dhinac ay ka wada hadleen arimo xasaasi ah ay ka wada hadleen sarkaalka Sudan ka yimid iyo Madaxda Dowlada Faderaalka Somalia.
Sidoo kale Taliyaha sirdoonka Sudan iyo Madaxweyne Xassan waxay ka wada hadleen arrimo la xiriira iskaashiga sirdoonka, amniga, iyo la dagaallanka khataraha caalamiga ah.
Sarkaalkaan oo watay diyaarad qaas ah ayaa lagu wadaa inuu isla maanta ku laabto dalkiisa oo dagaalo culus kula jira kooxaha falaagada ku ah Dowlada Sudan.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person, dais and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -