Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa xalay gaaray deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30 KM u jira Guriceel.

Wararka aan ka helayno Dhuusamareeb ayaa sheegaya in maalmaha soo socda la qorsheeyay in dib loogu soo celiyo Guriceel gacanta Galmudug.

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Gen Odowaa iyo saraakiil kale ayaa maanta ku wajahan Dhuusamareeb.

Sidoo kale Shalay waxaa Dhuusamareeb ka dagay diyaarad siday rasaas loogu tala galay ciidanka dowladda ay loo diyaariyay weerarka Guriceel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here