HomeWarkiiTaliyayaasha ciidamada lugta iyo Badda oo Turkiga kaga qeybgalay Bandhigga hubka iyo...

Taliyayaasha ciidamada lugta iyo Badda oo Turkiga kaga qeybgalay Bandhigga hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga+SAWIRRO

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar, iyo Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha CXDS, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, ayaa ka mid ah saraakiisha sare ee ka qayb galaysa Bandhigga Caalamiga ah ee Hubka iyo Tignoolajiyada Milatariga ee IDEF 2025, kaasoo ka socda magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.
Bandhiggan oo ah mid sannadle ah oo lagu soo bandhigo tignoolajiyada ugu dambeysa ee dhanka difaaca iyo qalabka milatari, ayaa muhiimad gaar ah u leh Soomaaliya maadaama uu fursad siinayo Ciidanka Xoogga Dalka in ay helaan aqoon iyo agab kor u qaada awoodda iyo tayada ciidanka.
Jeneraal Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa sheegay in ka qeybgalka Soomaaliya uu yahay mid astaan u ah dib u dhiska ciidanka, isagoo tilmaamay in iskaashi lala sameeyo dowladaha iyo shirkadaha horumaray ay muhiim u tahay sugidda amniga iyo difaaca qaranimada.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Xoogga Dalka ayaa ku hawlan dadaallo lagu horumarinayo ciidamada, si ay uga jawaabaan khataraha amni ee dalka ka jira, isla markaana ay uga hortagaan kooxaha argagixisada ah ee Khawaarijta.May be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and text that says "A ITINUMMA гтежоя гтехеоя IDEF"May be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and text that says "B+ NIET 3ん"May be an image of 5 people and text that says "TÜRKIYE.CUMHURIYETI TÜRKİYE CUMHURIYETI MİLLI MILLISAVUNMABAKANLIGI LL SAVUNMA BAKANLIGI"May be an image of 3 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 5 people and textMay be an image of 1 person and textMay be an image of 2 people, dais and text that says "TÜRKİYECUMHURİYETI TÜRKİYE CUMHURİYETİ CUMHURBAŞKANLIĞI Rimqyelerinde TÜRKİYE TÜRKİYECUMHU UMHUA MLLISAVUNM SAVUNMAS SAVUNMAS BAŞKANLICI RASKANLIGI TÜRKSİLAHLIKUWETLERİNI TÜRK KUYYETLERİNİ GÜCLENDİRME VAKFI 2025 ID KFA FUARCUK EF 10 2025 2025 5 IDEF 2025 EF 25 2025 IDEF 20 IDEF 2025 EF 2025 25 2025 IDEF 20 025 IDEF 2025 025 IDEF 20"May be an image of 3 people and textMay be an image of 4 people and text that says "O CPOW FIRTINA Yeni YeniNesilT-155Obüs Nesil T-155 Obüs"
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -