HomeWarkiiTaliye Axmed Gaashaan oo sheegay maleeshiyaadkii Yaaqbari-weyne inay xiriir ay la sameysteen...

Taliye Axmed Gaashaan oo sheegay maleeshiyaadkii Yaaqbari-weyne inay xiriir ay la sameysteen Alshabaab

WALA-WEYN (DAYNIILE.COM)-Taliyaha Milateriga Somalia guutada 7-aad Axmed gaashaan ayaa warbaahinta u sheegay inay wali aaga Yaaqbari-weyne ka wadaan howlgalo ay ku baadi goobayaan ragii dhawaan Maxkamada Ciidamadu dilka toogashada ay ku xukuntay.

Taliye Axmed Axmed Gaashaan wuxuu sheegay inay mar kale isbaarooyin ka qaadeen deegaanka yaaqbari-weyne iyo nawaaxigeeda kuwaasoo ay dhigteen maleeshiyaad beeleed oo ay ka mid yihiin kuwa uu sheegay inay baadi goobayaan ee xukunsaayaasha ah.

Sidoo kale Taliyaha wuxuu markii ugu horeysay ka dhawaajiyay in maleeshiyaadka deegaanka Yaaqbari-weyne ay xiriir la sameysteen kooxda Alshabaab islamarkaana ay doonayaan inay hadhow dhahaan ciidanka Dowlada na dhibaateeyay.

“Dowlada waxaan gaarsiineynaa inay maleeshiyaadkii ay ku raad joogeen ay ay xiriri la sameysteen alshabaab, waxay doonayaan inay dhahaan Dowlada na dhibaateysay,anaga shacabkeena inaan dhibaateyno ma rabno waa kuwii aan ciidanka u ahayn waa dadkeena nagamana suuragasho inaan dadkeena dhibaateyno” ayuu yiri Taliye Axmed Gaashaan

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -