Taliyaha Ciidanka Ilaalada nabadgalyada waddooyinka Gen. Bishaar Abshir Geedi oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay sababta dhalisay saxmadda ka jirta inta badan waddooyinka Caasimadda.

Gen. Bishaar ayaa sheegay in uu Taliskiisa uu xal u raadiyay sidii wax looga qaban lahaa, si loo xakameeyo saxmaddaas ayuu sheegay in lagu qasbanaaday in lasoo koobo Waqti Gawaarida Xamuulka oo 24-kii saacba socon jiray oo lagu simay Habeenkii si cariiriga looga yareeyo waddooyinka Muqdisho.

Tan Bajaajta ayaa weli taagan oo u baahan in la dejiyo qorshaha lagu wajahayo si loo yareeyo saxmadda ka jirta waddooyinka Gobolka Banaadir si meesha looga saaro waxyaabaha dhalinaya culeyskaas.

“Shilalka ugu badan waxaa gala Gawaarida xamuulka ah & mootooyinka, sidaas darteed si loo xakameeyo saxmadda waxa aan joojinay Gaadiidka waa weyn ee lagu dhex fasixi jiray waddooyinka 24-ka saac oo waxa aan kusoo koobnay Habeenkii” ayuu yiri Gen Bishaar.

“48-kun oo Mooto bajaaj ah, 20-kun oo Fekon ah (Mootada labada lugood leh) & 500 oo Gaadiid Xamuul ah marka ay waddooyinka ku kulmaan waxaa ka dhalan kara waa Saxmad (Cariiri), waxa ay arrintaas dhibaato ku noqotay Ardayda, Dadka xannuunsan, Shaqaalaha Dowladda, Shirkadaha & cid weliba risiq xalaal ah raadsaneysa” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Taliyaha Ciidanka Ilaalada nabadgalyada waddooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here