Taliyaha Ciidanka Booliiska Xijaar oo is hor istaag ku sameeyey gabdho shaqaalo ahaan loogu qaadi rabay waddanka Sacuudi Carabiya!.

Gabdhahaan oo gaaraya ilaa 118 ayaa waxa shaqaale ahaan/khadaama nimo loogu qaadi rabay waddanka Sacuudi Carabiya, maadama aysan hadda waddanka ka helin fursad ay ku shaqeystaan ama ay ku dabaraan nolosha reerahooda.

Xijaar oo adeegsanaya awooddiisa ciidanimo ayaa ku amray maamulka Sahal Terminal in aysan dadkaan ku qaadi karin gawaaridooda oo loogu tala galay in ay dadka safraya u fududeeyaan tagista garoonka Aadan Cadde, Waxa uuna duulimaadka gabdhahaan ahaa galabta iyaga oo ku kala qornaa diyaaradaha kala ah Daallo Airline iyo Ethopia Airline.

Illo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in sababta diidmada safarka dadkaan ee Taliye Xijaar ay ka danbeyso kaddib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska oo uu lacago baad ah ka codsaday howlwadeenadii qaybta ka ahaa abaabulka safarka dadkaan, balse ay ka biya diiddeen arrintaas.

Haddaba, Sowma la dhihi karo Xijaar waxa uu awooddiisa ciidanimo uga faa’iideysanayaa xaaladda kala guurka ah ee waddanka, si uu lacago xad dhaaf ah uga sameeyo? Maxaase keeni kara in dadkaan danyarta ah uu madaxooda lacago baad ah ku raadsado? Aragtidaada.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here